Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Kenya oo gaaray heshiis dhinaca adeegga hawada ah

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis laba geesood ah oo dhinaca adeegyada hawada ah kaasi oo ujeedkiisu yahay in la kordhiyo tirada diyaaradaha ee isaga kala goosha labada dal.

Heshiiska ayaa waxaa labada dal u kala saxiixay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Soomaaliya Fardawsa Cismaan Cigaal iyo xoghayaha gaadiidka iyo howlaha guud ee Kenya Kipchumba Murkomen.

Wasiirka Gaadiidka ee Soomaaliya Fardaw Cismaan Cigaal ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda X waxa ay ku sheegtay in heshiiska ay la saxiixatay dhiggeeda Kenya uu u oggolaan doono shirkadaha diyaaradaha ee ka diiwaan gashan Soomaaliya in ay u duuli karaan Kenya, waxayna xustay in sidoo kale uu heshiisku xoojinayo iskaashiga iyo in labada dal ay isweydaarsadaan aqqoonta.

Xoghayaha Gaadiidka iyo Howlaha Guud ee Kenya Kipchumba Murkomen ayaa qoraal uu soo saaray isna ku sheegay in shirkadaha diyaaradaha ee labada dal loo oggolaan doono in ay toddobaad kasta ku shaqeeyaan duulimaadyada rakaabka toddobo jeer oo xiriir ah loona cayimay khadadka ay isticmaalayaan.

Heshiiska ayaa sidoo kale u oggolaanaya shirkadaha diyaaradaha xamuulka in ay u kala duulaan si aan xadidneyn.

Labada dal ayaa muddo bilo ah ka shaqeynayay heshiiskan ay hadda wada gaareen.

Comments are closed.