Press "Enter" to skip to content

Saddex sarkaal oo Al-shabaab ah 'oo lagu dilay' Galmudug

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoggaa dalka oo kaashanaya kuwa madaniga ah ee deegaanka ay dileen saddex ka tirsan saraakiisha Al-shabaab, kadib howlgal 'qorsheysan' oo xalay ka dhacay deegaanka Ceel-La Helay ee Galmudug.

Xubnaha la dilayay oo ay dowladdu ku tilmaantay 'dambiileyaal ayaa magacyadoodu kala ahaayeen Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre.

"Hawlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan Khawaarijta gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug." ayaa lagu yiri qoraalka dowladda oo intaas raaciyay

"Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka deegaanka ee gacanta ka gaystay fududaynta hawlgalka.

Waxaa ka go’an Dowladda oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta."

 

 

Comments are closed.