Press "Enter" to skip to content

RW Xigeenka Soomaaliya oo aan ka wareysannay waxyaabaha ay kala kulmeen Shir Madaxeedkii Africa iyo Ruushka

Madaxda Africa ayaa madaxweynaha Ruushka ka dalbayaday in uu dib u bilowdo heshiiska qamadiga looga dhoofinayo Ukraine. Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, oo ka mid ah madaxdii shirka ka qeyb gashay ayaa VOA u sheegay in madaxweynaha Ruushka ay la wadaageen saameynta Soomaaliya ay ku yeelanayso heshiiskaasi istaagay, inkastoo uu madaxweyne Putin shirka ka sheegay in Soomaaliya la gaarsiin doono qamadida Ruushka.

Ismaacil Xussen Farjar ayaa khadka telefoonka ee magaalada Saint Petersburg kula xiriiray Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, wuxuuna weydiiyay waxyaabihii shirka lagaga hadlay.

 

Comments are closed.