Press "Enter" to skip to content

Qarax ka Dhacay Muqdisho oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in hal qof uu dhintay laba kalena ay dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta lala beegsaday xarunta dhul-bixinta ee maamulka gobolka Banaadir.

Af-hayeenka booliiska Gaashaanle Sadiiq Aadan Duudishe ayaa xaqiijiyey in weerarka loo adeegsaday gaari noociisu yahay Toyota Landcruiser (Layla Calaawi) oo uu waday qof isa soo miidaamiyey.

Af-hayeenka ayaa sheegay in weerarku uu beegsaday dhismahaasi oo ay ku shaqeynaysay hay’ad kuwa naadaafadda ah oo la shaqaysa maamulka gobolka Banaadir.

Qofka dhintay ayaa la xaqiiiyey inuu ka mid ah mas’uuliyiinta xarunta waaxda gaadiidka gobolka Banaadir.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Weerarka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dawladdu wadaan guluf ka dhan ah ururka al-Shabaab, kaasi oo diiraddiisu tahay maleeshiyaadka al-Shabaab ee ku sugan maamul goboleedka Galmudug.

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sheegay in shalay ay ciidamadu qabsadeen magaalada Wabxo iyo degaanka War Xoolo oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Goor dhowaydna warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa tebisay in ciidamada dawladdu ay qabsadeen degaanka Cawsweyne oo ku yaalla dhinaca bari ee gobolka Galgduud.

 

 

Comments are closed.