Press "Enter" to skip to content

Muxuu Madaale ka yiri dibadbaxyada Muqdisho?

 
Duqa magaalada Muqdishu ayaa ka hadlay bannaabaxyo maanta ka dhacay magaalada oo ay dhigeen taageerayaasha sarkaal ay booliisku sheegeen inuu horey uga tirsanaan jiray ciidanka xoogga dalka oo shalay ay qabteen ciidamada amnigu kadib iska horimaad dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyadiisa.

Booliiska ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu halis geliyey amniga, hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa sheegay in loola dhaqmay si aan caddaalad ahayn, waxayna dalbanayaan in la sii daayo. Duqa Muqdishu ayaa ku baaqay in bannaabaxyadu ay noqdaan kuwo amni ah.

Warbixintan waxaa Muqdishu kaoso diray Xasan Kaafi Qoyste.

 

 

 

 

Comments are closed.