Press "Enter" to skip to content

Midowga Yurub oo hakiyay cunnada gargaarka ah ee Soomaaliya kadib xatooyo baahsan

Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, sida ay Reuters u sheegeen labo sarkaal oo sare oo ka tirsan Midowga Yurub Isniintii, kadib markii baaritaan ay Qaramada Midoobay samaysay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo si xun u isticmaalka gargaarka loogu talagalay in looga hortago macluusha.

Guddiga Yurub ayaa in ka badan 7 milyan oo doollar oo gargaar ah siinayay howl-gallada WFP ee Soomaaliya sannadkii hore, taasoo qayb ka ah in ka badan $1 bilyan oo deeq ah oo ay heshay, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.

Balazs Ujvari, oo ah afhayeenka guddiga Yurub, si gaar ah uma uusan xaqiijin ama u diidin hakinta ku meel gaarka ah, laakiin wuxuu yiri: "Ilaa hadda, Midowga Yurub lama ogaysiin la-hawlgalayaasheeda Qaramada Midoobay saameynta dhaqaale ee mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub."

"Si kastaba ha ahaatee, waxaan sii wadi doonaa inaan la soconno xaaladda oo aan ixtiraamno habkayaga dulqaad-la'aanta ah ee ku wajahan musuqmaasuqa, gacantogaaleysiga ama wax isdaba marinta."

 

WFP isla markiiba kama aysan jawaabin codsiyada inay faah-faahin ka bixiso arrintan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aankan la qaatay kadib markii baaritaankii Qaramada Midoobay lagu soo gabagabeeyay in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha gargaarka ay ku lug leeyihiin xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono kadib markii ay WFP buuxisay shuruudo dheeraad ah, sida hubinta la-hawlgalayaasha ku sugan gudaha Soomaaliya. Sarkaalka labaad ee sare ee Midowga Yurub ayaa arrintan xaqiijiyay.

VOA Somali, waxay la xiriirtay xaafiisyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya, welina wax jawaab degdeg ah kama aynaan helin.

 

Comments are closed.