Press "Enter" to skip to content

Maxaa Soomaaliya ka khaldamay tan iyo xorriyaddii?

Waxaa magaalada Muqdisho lagusoo gabagabeeyay shir socday muddo laba maalin ah kaas oo ahaa mid si cilmi ah loogu eegayay dowladnimada Soomaaliya iyo waxyaabahii khaldamay lagasoo billaabo illaa iyo goortii uu dalka xorriyadda uu ka qaatay gumeystahii reer Yurub.

Shirkaan ayaa waxaa lagusoo bandhigay cilmi baaris kala duwan iyo doodo ay ka qeybgaleen aqoonyahan muddo dheer ka shaqeynayay waxbarashada sare ee dalka iyo jaamacado ku yaalla dibadda.

Shirkaan ayaa waxaa soo agaasimay Hay'adda cimi-baarista iyo hor'umarinta barigaa Afrika ee loo yaqaanno DAD.

Haddaba, shirka kadib ayaa waxa uu weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow la kulmay Guddoomiyaha hay'addaas Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar, waxa uuna weydiiyay micnaha shirkaan uu maanta u leeyahay Soomaaliya iyo dowlad dhiska dalka?

 

Comments are closed.