Press "Enter" to skip to content

Maxaa sababay in Wasiirka Caddaaladda laga saaro fadhigii Golaha Shacabka?

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay dood buuq badan dhalisay oo la doonayay in su'aallo lagu weydiiyo wasiirka caddaaladda oo ka soo daahay in uu kulanka ka soo qeybgalo. Afhayeenka Aqalka hoose ee baarlamaanka Sh. Aadan Maxamed Nuur ayaa markii danbe wasiirka caddaaladda ka saaray kulanka. Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyay in wasiirkii diida in uu baarlamaanka horyimaado tallaabo laga qaado. Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

 

Comments are closed.