Press "Enter" to skip to content

Maxaa sababay in waqti dheer uu qaato abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?

Muddo sanad ka badan, waxaa socda dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya malayshiyada la magac-baxay macawisleyda iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa intiisa badan ka dhacayay deegaanno ka mid ah Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddo ku sugan deegannadaasi, waxa uuna wadaa abaabul xooggan oo uu ku dhiirigelinayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dadka qaar ayaa u arka in uu qorshaha ka socda gobollada dhexe uu waqti ka badan intii loo maleynayay uu qaatay. Welina si rasmi ah uma soo dhamaan howlgallada aaggaasi ka socda.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintaan ku eegaya aragtida qaar ka mid ah aqqoonyahanka Soomaaliyeed ay ka qabaan hannaanka ay wax u socdaan.

 

Comments are closed.