Press "Enter" to skip to content

Mareykanka: Ka bixitaankeenna Niger Saameyn Buu ku Yeeshay Saaxil

Washington — Milatariga Mareykanka ayaa bishii September dhammeystiray ka bixitaankiisa dalka Niger , halkaasi oo uu Mareykanku ku lahaa laba saldhig oo xulufadiisa uu ka caawinayay la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee ka holwgala Gobolka Saaxil.

Ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Niger ayaa timid ka dib markii xubno ka tirsan militariga Niger ay 2023-kii sameeyeen Afgambi Milatari.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ka bixitaankooda uu saameyn weyn ku yeeshay dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada gobolka.

Wariyaha VOA-da ee Pentagon-ka Carla Babb ayaa warkan inoo diyaarisay. Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa noo haya.

 

Comments are closed.