Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xassan oo howlihiisa shaqo ka wadi doona Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige ayaa farriin ay faafisay dowladda ku sheegay in Madaxweyne Xassan uu si KMG ah shaqqooyinkiisa caadigan ah ka wadi doono Dhuusamareeb.

“Waxyaabaha muhimadda u leh dowladnimada iyo dowlad-dhiska ayuu ka shaqeyn doonaa inta uu magaalada joogo taasi oo ay u horreyso amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle,” ayuu yiri Dige.

Waxa uu sheegay in horumarka Soomaaliya ay hortaagan tahay sida uu yiri kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Soomaaliya ayaa u diyaargaroobaya wareegga labaad ee guluf ka dhan ah Al-Shabaab kaasi oo ka bilaabanaya maamullada Galmudug iyo Hirshabelle.

Agaasimaha Madaxtooyadu ma sheegin muddada u qorsheysan in Madaxweyne Xassan Shiikh uu ka sii shaqeeyo, kuna sugnaado magaalada Dhuusamareeb.

 

Comments are closed.