Press "Enter" to skip to content

Madasha Haweenka: Wareysi aan la yeelanay Sacda Mire

Barnaamijkan Madasha Haweenka waxa uu ku saabsan yahay waraysi aanu la yeelanay Sacda Mire oo ah professor ku takhasustay taariikhda aasaarta qadiimiga ah, macalinna ka ah jaamacadda University College London.

 

Sacda sidoo kale waa qoraaga buugga “Devine Fertility” ama “Taranka Barakaysan” oo ka hadlaya taariikhda raadadka qadiimiga ah iyo caado-dhaqameedka ee Waqooyi Bari ee Qaaradda Afrika.  

  

Waraysigan dheer waxa ay Prof. Sacda Mire kaga hadlaysaa korriinkeedii, safarkii waxbarashadeeda, sida ay ku bilowday inay barato, baaritaanna ku samayso taariikhda aasaarta qadiimiga ah; iyo baaritaannadii ugu horreeyey ee ay ka samaysay qaaradda Afrika oo ay ku jirto cilmi-baaristii ay degaanka Aw Barkhadle ee Somaliland, iyo dhaqamadii ka jiray intii aan diinta Islaamku soo gaarin.  

  

Ugu dambayn Prof. Sacda waxay talo usoo jeedinaysaa haweenka Soomaalida. Waraysigan waxaa la yeeshay Haaruun Macruuf. Dhagaysi wanaagsan.

 

Comments are closed.