Press "Enter" to skip to content

Maamulka Qardho oo qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo daadadka

Qardho — Si ay uga hortagaan khasaaraha ka yimaada daadaadka kusoo noqnoqday, magaalada Qardho ayaa guddi ka kooban culimo iyo maamulka degamada Qardho ee gobolka Karkaar ay billaabeen duminta guryo degaan iyo ganacsi isugu jira oo laga dhisay marin-biyoodka ay daadadku maraan.

Daadadka iskaga dambeeyey ee ku dhuftay Qardho ayey ku dhinteen ugu yaraan lix qof.

Tallaabadan ayaa guddigu sheegeen inay salka ku hayso maaraynta daadadka si magaalada looga saaro.

 

Weriyahayaga Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa tallaabadan ka waraystay Duqa degmada Qardho Cabdiqaadir Siciid Cabraxmaan.

Comments are closed.