Press "Enter" to skip to content

Laashin Cabdulle Geeda-naar oo geeriyooday

Muqdisho — Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday, ALLAH ha u naxariistee, Laashin Cabdulle Axmed Maxamuud oo ku magac-dheeraa Cabdulle Geeda-naar.

Abwaanka ayaa caan ku ahaa guuroowga iyo shiribka, isaga oo lagu xasuusto dowrkiisa nabadda, iyo horumarinta dhaqanka Soomaalida.

Nur Hassan Nur ayaa taariikh nololeedka Laashinka ka wareystay, Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Jabuti, Salad Cali Jeelle oo muddo ka badan 40 sano ay is yaqiinneen Awbaan Cabdulle Geeda-naar.

 

Comments are closed.