Press "Enter" to skip to content

Kulan la xiriiray nidaamka baarista ee tayada kaabayaasha dhaqaale oo Muqdisho lagu qabtay

Maamulka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa qabtay dood-cilmiyeed ku saabsaneyd fahamka iyo horumarinta baarista kaabayaasha dhaqaalaha ee lagama maarmaanka u ah shacabka iyo dowladda.

Dood cilmiyeedkaan oo ay ka qeybgaleen maamulka iyo xubnaha xafiiska hanta dhowrka,waxaa la isku tusaaleeyay muhiimadda ay leeyihiin hubinta iyo waxtarka mashaariicda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo gudaha dalka.

Sidoo kale dood cilmiyeedkaan waxaa kaloo looga hadlay badqabka mashaariicda horumarineed ee loo sameynayo bulshada ,gaar ahaan dhismaha waddooyinka caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa horay u sameeyey dood ku saabsaneyd baarisyada dhanka mashaariicda ah ee khuseeya horumarinta kaabayaasha dhaqaale,iyadoo loo marayo ilaalinta iyo dhowrista hantida dowladda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r