Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka  “Siyaasiyiinta bannaanka jooga wixii ay qaban lahaayeen ayaan gacanta ku heynaa”

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ka qeybgalay Kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heer gabagabo ah ay marayaan howlihii ku aadanaa diiwaangalinta dadka ee doorashooyinka loo qorsheeyay qof iyo cod.

“waa in nala aamino oo la tijaabiyo qaabka aan u qabaneyno doorashooyinka golaha deegaanka Gobolka Banaadir”ayuu yiri guddoomiyaha oo sii wata hadaldiisa.

Mudane Cabdikariin Axmed ayaa xusay in la diiwaangaliyay 61 Urur siyaasadeed ,isla markaana la  xaqiijiyay wax ku dhow hal milyan ruux oo dad ah,si ay qeyb uga noqdaan doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka waxa uu qiray in haatan ay gabagabo marayaan howshii diiwaangalinta,sidaa daraadeedna waqti dhow la qaban doono doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolka banaadir.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r