Press "Enter" to skip to content

Faahfaahin ku saabsan saldhig Al-Shabaab looga burburiyay Degmada Xarardheere

Duqeyn cirka ah ayaa la sheegayaa in lagu bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Dumaaye ee hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Inkastoo aan si madax banaan loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay duqeynta Dumaaye, Guddoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye, ayaa VOA u sheegay in tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaasi.

Wariye Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa faahfaahinta duqeyntan ka wareystay guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Deeq Yuusuf.

 

Comments are closed.