Press "Enter" to skip to content

Doorashada madaxtinimo oo ka bilaabatay dalka Ruushka

Moscow — Cod-bixiyeyaasha dalka Ruushka ayaa Jimcaha maanta ah u codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimo, taas oo loo badinayo in madaxweyne Vladimir Putin oo lix sanadood oo kale ku guuleysto. Putin ayaa cadaadis saaray xubnaha mucaaradka ah ee isaga la tartami lahaa.

Doorashada ayaa imanaysa iyada oo aad loo wiiqay awoodda warbaahinta iyo ururada xuquuqda aadamaha, taas oo madaxweyne Putin dhaxalsiisay inuu hanaanka siyaasadeed isagu xakameeyo.

Doorashada ayaa sidoo kale imanaysa, xilli dagaalka Ukraine uu galay sanadkiisii saddexaad. Ruushka ayaa hadda ku gacan sareeya dagaalka, in kasta oo guulaha uu gaarayaa ayna aad u weyneyn.

Ukraine ayaa dhinaceeda cadaadis ku haysa Ruushka. Dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee meesha fog gaara ayaa duqeeya gudaha dalka Ruushka, halka dayuurado kale oo teknoloji aad u sanca sareeyaa uu ku xiran yahayna ay khatar galinayaan maraakiibta Ruushka ee mara Badda Madow.

Codbixinta ayaa soconaysa laga bilaabo Jimcaha maanta illaa maalinta Axadda, iyada oo saacadaha goboladu ay kala duwan yihiin, iyaga oo gaaraya 11 waqti-deegaan.

Waxaa goobaha laga codeynayo ku jira goboladii uu Ruushka goostay ee Ukraine ka tirsanaa. Dadka Ruushka ayaa sidoo kale ka codeyn kara dhinaca internetka. Waa markii ugu horeysay ee internetka laga codeeyo, iyada oo dad ka badan 200,000 ay internetka kaga codeeyeen magaalada Moscow, sida uu maamulku sheegay.

Vladimir Putin waxaa la tartamaya saddex tartame oo loo arko in Kremlinka ay la siyaasad yihiin. Putin oo 71 jir ah ayaa xilka u taagan markii shanaad. Kuwii siyaasadda kaga soo horjeeday ayaa xabsiga la dhigay ama dalka ka cararay, iyada oo ninkii ugu darnaa mucaaradkiisa, Alexei Navalyn, uu bishii hore xabsi ku dhintay.

Comments are closed.