Press "Enter" to skip to content

Deni oo ka horyimid heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay sida uu u arko heshiiskii ay toddobaadkan gaareen madaxda federaalka iyo madaxda afarta maamul goboleedka ee kale iyo duqa magaalada Muqdisho.

Madaxa Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya, taas oo noqonaysa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation-Closed List).

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in dalka uu qaato nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, oo beddelaya midka hadda jira ee ah madaxweyne iyo ra’iisul wasaare.

Hoos ka dhageyso codka Deni

 

Comments are closed.