Press "Enter" to skip to content

Ciyaaraha Torobaadka Soomaalida Toronto oo furmay (Dawo Sawirrada)

Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ka furmay toddobaadka cayaaraha Soomaalida Toronto, kaasoo ay ka qeyb galayaan kooxo ka kala yimid Yurub, Mareykanka iyo magaalooyinka Canada.

Sidoo kale cayaartoydii hore ee xulka qaranka iyo naadiyadii Soomaaliya ayaa isku arka Toronto, halkaasoo ay ku yeeshaan kulamo cayaaro ah oo ay kusoo xasuusanayaan barisamaadkii markii ay xifaaltami jireen.

Qaban-qaabiyeyaasha ayaa tartankan sanadlaha ah ku sheegay mid lagu badbaadinayo dhallinyarada, islamarkaana lagu barayo taariikhdooda iyo halyeeyadii cayaaraha ee Soomaaliya.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Cabdirisaaq Cusmaan Maxamed (Cabdirisaaq Cade) oo kamid ah madaxda ururka TODAY ee qabanqaabiyay tartanka. 

Comments are closed.