Press "Enter" to skip to content

Ciyaaraha Todobaadka Soomaalida Washington D.C oo lasoo gaba gabeeyay

Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyay ciyaaraha kubadda cagta ee Todobaadka Soomaalida Washington D.C ee caasimadda Mareykanka, kuwaas oo ay ka qeybgaleen kooxo ka kala yimid Waqooyiga America.

Cayaarahan oo lasoo waday muddo 40 sano ah, ayaa sanadkan waxaa si gaar ah loogu xusay, Allaha u naxariistee Maxamed Siraad Nuuri oo loo yaqaannay Saadaq Siraaji, kaas oo kamid ahaa asaasayaashii tartankan.

Cayaaraha sannadkaan ayaa waxaa ka qeybgalay kooxo ka socday magaalooyinka Toronto, Boston, Atlanta, Ohio, Minneapolis iyo Washington oo martigelineysay tartanka.

Koobka Ciyaartooydi hore ee cuslaatay waxaa ku guuleystay kooxdi ka socotay Toronto, halka koobka dhallinyarada ay qaadday kooxda Washington DC.

Haddaba wariyaha VOA-da Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Cabdullaahi Cabdiqaadir Axmed oo loo yaqaanno Soomaaliyow.

Halkaan ka dhageyso wareysiga uu Xuseen Nur Xaji la yeeshay Cabdullahi Soomaaliyow.

 

Comments are closed.