Press "Enter" to skip to content

Ciidamada dowladda iyo kuwa Mawisleyda oo Al-shabaab ka saaray magaalada Camaara

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa madaniga ah ee macawisleyda ayaa si buuxda Al-shabaab ugala wareegay magaalada Camaara ee gobolka Mudug, sida ah goor dhaweyd ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Alcaddaala oo ku sugan magaalada ayaa xaqiijiyay qabashada magaalada Camaara.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa huwanta ah ay la wareegeen magaalada. kaddib markii ah kusoo qaadeen weerar saddex jiho ah.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada iyo kuwa dadka deegaanka ay qabteen degmada Bacaadweyn oo ku dhow Camaara iyo deegaannada kale ee Qod-qod, iyo Qeycad.

 

Comments are closed.