Press "Enter" to skip to content

Chile oo dabargo' ka badbaadineysa daameero duurjoog ah oo ku noolaa deegaannada Soomaalida

Dameer duurjoog ah oo ka mid ah kuwa naadir ah ka ah dunida, oo asal ahaan intooda badan ku noolaa deegaannada Soomaalida ayaa ku ilma dhashay beerta xayawaanka ee dalka Chile, taasi oo rajo ku abuurtay in noolahan sida weyn usii dabar go’aya ay kordhaan, waxaana dameeraha noocan ah ee hadda ku nool dunida oo dhan ay ka yar tahay 200.

Beerta Xayawaanka ee Buin oo ku taal duleedka koonfureed ee magaalada Santiago ayaa ka qayb qaadanaysa dadaallada caalamiga ah ee lagu caawinayo in la badbaadiyo dameerka duurjoogta ah ee asal ahaan Soomaaliya ku noolaa kuwaasi oo Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta duurjoogta (IUCN) uu ku tilmaamay kuwo aad halis ugu ah in ay dabar go’aan.

Ignacio Idalsoaga, oo ah aasaasaha iyo maamulaha beerta xayawaannada ee Buin ayaa sheegay in tani ay tahay mid farxad abuureysa maadaama uu xayawaankan ku jiro xilli adag oo dabar go’ looga baqayo. Waxa uu sheegay in dameerka ay Khamiistii soo bandhigeen uu yahay kii shanaad ee ku dhasha zoo-ga Buin.

“Waa war weyn oo ku socda bahda ilaalinta dameeraha duurjoogta ah ee ka sii dabar go’aya dunida, waxaanna awood u leennahay in ay ku dhashaan halkan oo ah Chile ee cirifka adduunka” ayuu yiri Idalsoaga.

Inta ka nool dameeraha duurjoogta ah ee Soomaaliya ayay sheegtay hay’adda IUCN, in ay hadda ku nool yihiin dalalka Eritrea iyo Itoobiya iyadoo tirada xayaawannadan ee ku nool halkaasi ay tahay  17. Tirada dameeraha ee ku nool dalka Itoobiya ayaa 95% hoos ugu dhacday 35-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo aan la ogeyn in ay jiraan kuwo wali ku nool Soomaaliya.

Dameeraha noocaan ah ayaa intooda badan ku noolaa Soomaaliya, deegaanka Soomaaliya iyo kan Oromada ee Itoobiya iyo dalka Eritrea.

REUTERS

Comments are closed.