Press "Enter" to skip to content

Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay

Wararka ka imaanaya gobalka Baay ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maanta uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Goofgaduud oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka militariga Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka waxa uu u dhaxeeyay kooxda Al-Shabaab oo weerar kadis ah ku qaaday xarunta ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee Goofgaduud.

Ilaa hadda, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Goofgaduud.

Goobjoogeyaal ku sugan deegaanka Goofgaduud oo sababo amni magacooda u diiday in ay shaaciyaan ayaa VOA u sheegay in ciidanka dowladda ay ka baxeen fariisinkooda Goofgaduud, halkaas oo ay la wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Ka bixitaanka ciidanka dowladda ee xerada Goofgaduud ayaan la ogayn in ay tahay xeelad dagaal iyo in laga itaal roonaaday. Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalkan.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda oo VOA khadka telefoonka ay kula xiriirtay ayaan ka jawaabin.

Xabbadda ayaa qabowday fiidnimadii caawa, waxaana hadda lagu soo warramayaa in Al-Shabaab ay gubayaan teendhooyinka ciidanka ay seexanayeen iyo agab kale oo halkaasi yaalla. 

 

Comments are closed.