Press "Enter" to skip to content

Mareykanka oo sii wadaya kaalmada uu siiyo Soomaaliya

Muqdisho — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan waxba iska beddelin taageerada maaliyadeed ee ay ka hesho Dowladda Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta amniga iyo arrimaha bani’aadannimada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka cusub ee Mareykanka ay isla afgarteen in la sii wado kaalmooyinkii Mareykanka uu siin jiray Soomaaliya. Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo diyaariyay Cabdulqadir Maxamed Mursal.

 

Comments are closed.