Boosaaso — Maamulka Puntland ayaa weli magaalada Boosaaso ku qabqabanaya muhaajiriin ka soo jeeda Itoobiya, kuwaas oo magaaladaasi u tagay si ay Carabaha uga sii tahriibaan. Bishii hore, in ka badan 600 oo Itoobiyaan ah ayay Puntland dib ugu celisay dalkoodii.
Haddaba, VOA ayaa booqatay mid ka mid ah saldhigyada lagu hayo tahriibayaasha Itoobiyaanka ee Boosaaso, kuwaas oo VOA u sheegay inaysan doonayn inay ku noqdaan dalkoodii sababo la xiriira shaqo la’aanta iyo colaadaha halkaasi ka jira.
Wariyaha VOA Yuusuf Maxamuud ayaa warbixintan Boosaaso ka soo diray.
Comments are closed.