Maalinta Arbacada ah ee soo socota ayaa lagu wadaa inuu furmo kalfadhiga lixaad ee labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo la filayay inuu Sabtidii lasoo dhaafay furo madaxweynaha, laakiin markii dambe baaqday, sida ay VOA-da u sheegeen xubno ka tirsan xildhibaannada.
Qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta mucaaradka ay ku jiraan, ayaa is weydiinayo arrimaha lagu lafa guri doono kalfadhigan iyo waxyaabaha loo maleynayo inay hareyn doonaan.
Dhinaca kale, Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka ayaa dhowaan soo gabagabeeyay shir ay kaga hadlayeen u diyaargarowga dib u furista golaha oo kusoo beegmaysa sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkooda.
Haddaba, waqtiga uu furmayo kalfadhiga lixaad, waxa laga filayo maalmaha ugu horreeya shaqadooda iyo ajandayaasha ugu waaweyn ee diiradda lagu saari doono ayuu wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Mursal ka waraystay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac Jigato oo kamid ah gudiyada baarlamaanka Soomaaliya.
Comments are closed.