Boosaaso — Gacansatada leh gaadiidka booyahada shidaalka rara ee isaga kala goosha gobollada Puntland iyo deegaannada kale ee Soomaaliya ayaa cabasho ka muujiyay, canshuur kordhin ay sheegeen in uu ganacsigooda ku soo rogay maamulka Puntland.
Arrintaasi ayaa keentay in qaar badan oo ka mid ah baabuurta qaadda shidaalka ay joojiyaan shaqada. Wariyaha VOA-da ee Boosaaso, Yusuf Maxmuud Yusuf ayaa arrintan ka wareystay Maxamuud Siciid Cismaan oo ka mid ah ganacsatada gaadiidka rara shidaalka.
Dhanka kale, waxaan la xiriirnay Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland, balse nooma suuragalin in aan la hadalno, waqtiga ugu soo horreeya ee aan helno ayaan idiin soo gudbi doonnaa jawaabtooda.
Comments are closed.