Press "Enter" to skip to content

Maxamed Cumar oo noqday maamulaha mid ka mid ah laamaha caafimaadka ee Gobolka Minnesota  

Waaxda Caafimaadka degmada Hennipen ee gobolka Minnesota, ayaa todobaadkaan wiil Soomaali Mareykan ah u magacowday, in uu noqdo madaxa guddiga ugu sarreeya nidaamka caafimaadka ee degmada.

Maxamed Cumar, ayaa noqday Soomaaligi ugu horreeyay oo xil sare ka qabta xarumaha waaweyn ee caafimaadka ee gobolka Minnesota.  

Mashaariicda caafimaad ee uu maamuli doono ayaa waxaa ka mid ah isbitaalka weyn ee HCMC ee ku yaalla Hennepin iyo xarumaha kale ee caafimaad ee degmooyinka Brooklyn Park iyo Golden Valley, kuwaas oo miisaanniyad-sannadeedkoodu yihiin balaayiin dollar.

 

Comments are closed.

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r