Press "Enter" to skip to content

Taliyaha xabsiga dhexe ee Muqdisho oo shaqada laga fariisiyey

Muqdisho — Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmana Aadan ayaa shaqadii ka fariisiyey taliyihii xabsiga dhexe ee Muqdisho Sarreeye Guuto Daahir Cabdulle Raage kadib dhacdadii 13-kii bishan ka dhacday xabsiga dhexe oo maxaabis huyabsan ay isku dayeen inay ka baxsadaan xabsiga iyagoo weeraray ciidnaka xabsiga.

Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed ayaa loo magacaabay ku-simaha taliyaha xabsiga dhexe.

Sidoo kale waxaa la shaaciyey in loo magacaabay guddi ka kooban siddeed xubnood inay soo baaraan dhacdadaasi, guddigaais oo uu madax u yahay taliyaha cusub ee sii haynaya xilka taliska xabsiga.

Afhayeenka ciidanka asluubta Cabdiqani Maxamed Khalaf ayaa faah-faahiyey tallaabooyin la qaaday7 kadib weerarkii Sabtidii ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Comments are closed.

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r