Press "Enter" to skip to content

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo daah-furtay Nootaayooyin cusub

Muqdisho,(SONNA):- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS, Mudane Faysal Aadan Xasan ayaa maanta furay munaasabad lagu soo dhaweeyay Nootaayooyin cusub oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa Nootaayooyinka lagu guddoonsiiyay shahaadooyinkooda rasmiga ah, si ay usii amba-qaadaan doorkooda ku aaddan adeegyada Nootaayo ee dalka.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa munaasabadda ka sheegay in magacaabista Nootaayooyinka cusub ay tahay tallaabo lagu xoojinayo bulshada inay si fudud ku hesho adeegyada sharci ee Nootaayooyinka, isagoo kula dardaarmay in ay si daacadnimo iyo mas’uuliyad leh u gutaan waajibaadkooda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r