Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda gaaray magaalada Jowhar

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda maamul goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabeelle.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu halkaasi joogo waxa uu xarig jari doonaa xarunta cusub ee madaxtooyada Hirshabeelle, Xarunta Baarlamaanka, Wasaarado iyo goobo kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uu halkaasi ku sugan yahay wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda u sarrayso maamulka Hirshabeelle, saraakiisha ciidamada, duubabka dhaqanka iyo waxgaradka magaalada magaalada Jowhar.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r