Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya wuxuu muwaadiniinta u dammaanad qaadayaa xuquuqda isu imaatinka iyo bannaanbaxa nabadeed. Tani waa xuquuq muhiim ah oo ay tahay in la ixtiraamo. Shacabka, mucaaradka iyo cid kasta oo aragti qabta waxay xaq u leeyihiin inay si nabad ah u muujiyaan fikirradooda.
Hase ahaate, xuquuq kasta waxaa la socda masuuliyad, iyo xad jaangoynaya. Bannaanbax nabadeed micnihiisu ma aha/kama dhigna, in qof ama koox ay magaalada ka dhigaan meel aan la maamuli karin. Sido kale, Ma aha in la xiro waddooyinka muhiimka ah, la hakiyo shaqada bulshada, la carqaladeeyo ganacsiga, ama la geliyo shacabka xaalad cabsi iyo amni-darro.
Dalalka reer Galbeedka ee aan inta badan tusaalaha u soo qaadanno, bannaanbaxyadu uma dhacaan si iska furan oo aan nidaam hagaya lahayn. Qabanqaabiyeyaasha waxay la xiriiraan booliska iyo maamulka deegaanka. Waxaa la isku raacaa goobta, waqtiga, jidka la mari karo, ilaalinta amniga, iyo sida loo badbaadinayo dadka bannaanbaxaya iyo shacabka kale. Ujeeddaduna ma aha in la aamusiiyo cidda bannaanbaxaysa, balse waa in la ilaaliyo xuquuqdooda iyo xuquuqda dadka kale labadaba.
Marka la eego bannaanbaxii mucaaradku qorsheeyeen 4-tii Juun ee Muqdisho, dowladda ma aysan oran/odhan “ma bannaanbixi kartaan.” Taas beddelkeeda, banaanbaxa si mid agaasiman u noqdo, waxay u astaysay goobo cayiman oo bannaanbaxu si nabad ah uga dhici karo, waxayna sheegtay inay sugi doonto amniga shacabka, ka qaybgalayaasha iyo hoggaanka mucaaradka. Taasi waa tallaabo macquul ah.
Muqdisho waa caasimaddii dalka. Waa xarunta dowladda, ganacsiga iyo adeegyada muhiimka ah. Sidoo kale waa magaalo weli ka soo kabanaysa dagaallo, qaraxyo iyo amni-darro muddo dheer soo jiitamaysay. Sidaas darteed, dowlad kasta oo masuul ah waxa waajib ku ah, xilna ka saaranyahay, inay ka hortagto/hor-istaagto xaalad kasta oo qas iyo qalalaase dhalin karta.
Haddii mucaaradku yiraahdaan/leeyihiin “goob kasta iyo goor kasta ayaan bannaanbax ka dhigi karnaa,” ama “toban goobood ayaan isku mar ka bannaanbaxaynaa,” taasi ma aha xuquuq si masuuliyad leh loo adeegsanayo, waxayna isu bedeli masuuliyad darro. Banaanbaxyada/abaabulka bulsho ee jaanta roganta ah, waxay curyaamin karaan magaalada oo dhan, sida isu socodka, ganacsiga, waxbarashada, adeegyada caafimaadka iyo shaqada dadka masaakiinta/muruqmaalka ah ee maalin kasta nolol maalmeedkooda raadsada.
Isla dhanka kale, Haddii ay xaalad amni darro dhacdo/dhalato, waddooyin xirmaan, gurmadka caafimaadka xanibmo, ganacsiga khasaaro gaarto, ama haddii rabshad timaaddo, isla dowladda ayaa lagu eedeyn lahaa inay dayacday amniga shacabka, iyo kaalinteedi dowladnimo, sidaas darteed, dowladdu waxay xaq u leedahay, waajibna ku ah inay bannaanbaxyada u dejiso nidaam macquul ah.
Ujeedadana ma aha in shacabka ama mucaaradka laga hor istaagayo xuquuqdooda, laakinse waa in la hubiyo in xuquuqdaas loo isticmaalo si nabad ah, sharci ah, oo aan dhaawac u geysan dadka kale iyo bananbaxayasha. Bannaanbax nabadeed waa in laga dheehdaa mid nabdoon inuu yahay asaaliibtiisa oo dhan, sida: qorshihiisa, howraartiisa,halbeeggiisa, hannaankiisa iyo himiladiisa, waxaase loo bahaan yahay iney kala caddaadaann waxa ay mucaaradku xaqa u leeyihiin ee ah iney dowladda dhaliisheeda sheegaan, aragtidooda dhiibtaan, taageerayaashoodana abaabulaan, laakiin se aaney iska noqonin yaacdo, wajigaa furan ah.
Hoggaamiye masuul ah ma aha kan dadka waddooyinka ku soo daadiya iyadoo aan qorshe iyo nidaam cad jirin. Hoggaan masuul ah waa kan la shaqeeya hay’adaha amniga, ka fogaada kicinta, ilaaliya dadka taageersan, kana hortaga in bannaanbaxa loo beddelo qalalaase, Dowladduna dhankeeda waa inay mar walba ixtiraamtaa xuquuqda bannaanbaxa nabadeed. Waa inay la hadashaa shacabka, caddeysaa sababta go’aannadeeda, kana fogaataa awood aan loo baahnayn. Bannaanbaxu ha ka dhaco goob cayiman, waqti cayiman iyo nidaam cayiman, ma aha cabburine Waa masuuliyad dowladeed.
Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay dowladnimo, nidaam iyo tartan siyaasadeed oo bisil. Qof kasta oo dalkiisa jecel waa inuu fahmaa in xuquuqda iyo nidaamku ay wada socdaan. Xuquuq aan nidaam lahayn waxay isu beddeli kartaa fowdo. Nidaam aan xuquuq lahaynna wuxuu isu beddeli karaa cabburin. Sida saxda ahi waa in labadaba la ilaaliyo: xuquuqda shacabka ee bannaanbaxa iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa Qoray:Mohamed Ali-Mire (Cowke) iyo Hassan Abdikarim- Ottawa Canada



Be First to Comment