Press "Enter" to skip to content

Danjiraha JFS ee Sacuudiga oo la kulmay Xoghahaya Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka

Muqdisho,(SONNA):- Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Maxamed Aamiin Sheekh Cusmaan, ayaa maanta magaalada Riyaad kula kulmay Xoghayaha Guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka, Mudane Jasem Mohamed Albudaiwi.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya Golaha iskaashiga Khaliijka iyo Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee ururka iskaashiga Khaliijka ayaa Safiirka u cadeeyey sida Dowladaha Khaliijku ay ugu garab taagan yihiin JFS wax kasta oo xoojinaya Amnigeeda, Midnimadeeda, Xasiloonideeda iyo Madaxbanaanideeda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r