Press "Enter" to skip to content

MADAXWEYNAHA JFS DANJIRE SALAAD CALI JEELLE U MAGACAABAY LATALIYAHA SARE EE MADAXWEYNAHA

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha.

Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer mas’uuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan arrimaha dowlad-dhiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha cusub ku ammaanay khibraddiisa, dadaalkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay u adeegidda dalka, isaga oo muujiyey kalsoonida uu ku qabo in uu si hufan uga soo bixi doono waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in uu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r