Press "Enter" to skip to content

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Ruushka, Mudane Vasily Osmakov.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga. Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-hadallada iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah, iyagoo muujiyay rabitaan wadajir ah oo lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee dhinaca difaaca ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Ruushka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r