Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Brazzaville (SONNA): Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaam Cige ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah intii lagu guda jiray Shirarka Sanadlaha ah ee ka socda Brazzaville.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray guulaha Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha, xoojinta koboca dhaqaale, iyo fursadaha cusub ee maalgashi iyo horumarineed ee dalka ka jira. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday doorka muhiimka ah ee Bangiga Horumarinta Afrika uu ku leeyahay taageeridda mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii wadidda dib-u-habaynta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga, iyo abuurista fursado shaqo iyo horumar oo loo horseedo shacabka Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa weli ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya ku taageera dadaallada horumarinta qaranka iyo xoojinta dhaqaalaha dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r