Baydhabo-(SONNA)-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed , Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xaqiijinta amniga Magaalada Baydhabo, iyadoo dhawaan la qorsheynayo inay ka qabsoonto Doorashada Madaxtinimada ee Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS iyo Saraakiisha ciidamada kala duwan, waxaana kulanka diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee magaalada, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa jawi nabdoon oo ay doorashadu ku dhacdo.
Hoggaamiye jibriil ayaa ciidamada amniga faray in ay xoojiyaan howlaha lagu sugayo amniga shacabka iyo goobaha muhiimka ah ee Magaalada Baydhabo, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo kala dambeynta inta lagu jiro doorashada.
Shirka ayaa lagu bogaadiyey ciidamada amniga dadaallada ay ku bixinayaan sugidda amniga iyo ka hortagga fal kasta oo qalqal gelin kara hannaanka doorashada



Be First to Comment