Press "Enter" to skip to content

Bannaanbax lagu taageerayo amniga caasimadda oo ka socda Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Dhallinyarada Gobolka Banaadir oo caawa isugu soo baxay fagaaraha isgoyska Taleex ee degmada Hodan ayaa dhigeysa banaanbax nabadeed oo ciwaankiisu yahay “Codka Caasimadda” iyagoo muujinaya sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Dhallinyaradu waxay farriin cad u direen bulshada Soomaaliyeed, iyagoo cod-dheer ku sheegaya in Muqdisho ay tahay astaanta nabadda iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana aan la aqbali doonin wax kasta oo qalqal-geli kara amniga iyo deganaanshaha caasimadda.

Isku soo baxaan ayaa ahaa mid dhallinyaradu ay caawa ku muujinayaan wadaniyad, biseyl siyaasadeed iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan difaaca dowladnimada, nabadda iyo horumarka dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r