Press "Enter" to skip to content

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo shir caalami ah ka qeyb galay

Muqdisho,(SONNA):- Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Monrovia ee dalka Liberia kaga qeyb galay Shir-Madaxeedkii 22aad ee Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Afrikada ku hadasha Ingiriiska ( – ), kaas oo ay kasoo qeybgaleen Hantidhowrayaasha Guud, wafdiyo ka socday Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee xubnaha ka ah – iyo saaxiibbada bah-wadaagta caalamiga ah.

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha farsamo, fursadaha iskaashiga iyo isdhaafsiga khibradaha ee ay yeesheen Hay’adaha Hantidhowrka Guud iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah.

Shirkan ayaa lagu falanqeeyey mowduucyo la xiriira xoojinta tayada baarista, adeegsiga falanqeynta xogta casriga ah (Data Analytics) iyo baarista deymaha dowladda, si loo taageero isla-xisaabtanka, hufnaanta iyo joogteynta maaliyadeed.

Ka qeybgalka shirkan ayaa XHGS u ahaa fursad lagu xoojinayo iskaashiga xirfadeed, isdhaafsiga khibradaha iyo la socodka hababka casriga ah ee la xiriira shaqada Hay’adaha Hantidhowrka Guud.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r