Press "Enter" to skip to content

Wasiir Roobow oo la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sucuudiga

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr Towfiiq Bin Fowsaan Alrabiic kaasi oo ka dhacay Mina.

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay abaabulka diyaar garoowga guuritaanka Xujeyda Soomaaliyeed maadaama ay maalinta beri ay tahay maalinta 8-aad bisha Dil Xijji ee Yowmu Tarwiya.

Sidoo kale, waxaa ku wehelinayey wasiirka kulanka madaxa xafiiska Arrimaha xajka Soomaaliya Dr. Khadar Xaaji Daahir, Ergayga Xafiiska Ra,iisul wasaaraha uqaabilsan Arrimaha Xajka Xasan Qorane iyo Yusuf Xasan Mursal oo ah La taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r