Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee caawa laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiir Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa xog wareystay qaar ka mid ah xujeyda iyo howl-wadeenada rarayo, waxaana uu kula dar daarmay in si masuuliyad ah loo guuriyo xujeyda.

11615 xaaji Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah malaayiinta xujeyda ah ee sanadkaan 1447/2026 waxaana Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleysaa sidii ay xujeyda Soomaaliyeed si wanaagsan ay ugu gudan lahaayeen acmaasha iyo waajibaadka Xajka

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r