Press "Enter" to skip to content

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Baydhabo(SONNA):-Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji,ayaa kulan la qaatay Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Maadeey Nuureey Sheekh Ufurow, oo uu wehliyo Taliyaha cusub ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, Korneyl Isaaq Bardaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada ka dhanka ah nabad-diidka iyo adkeynta amniga magaalada Baydhabo. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta laamaha amniga iyo maamulka si loo xaqiijiyo xasilloonida guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta ka waday deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r