Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Caafimaadka oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ciribtirka cudurka Dabaysha

Geneva –(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka cudurka Dabaysha (Polio).

Wasiirka oo magaalada Geneva ee dalka Sweitzerland ugu qeybgalay shirka 64-aad ee Wasiirada Caafimaadka dalalka Carabta oo diiradda lagu saaray ciribtirka cudurka dabaysha (Polio) iyo xoojinta dedaallada lagu joojinayo faafitaanka cudurka cVDPV2 ee gobolka Geeska Afrika ayaa xusay xusay horumarka laga sameeyay tallaalka carruurta, yareynta carruurta aan helin tallaalka iyo xoojinta nidaamyada dabagalka cudurrada.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay wajahdo caqabado adag oo dhinaca amniga, helitaanka adeegyada iyo gaarsiinta tallaalka deegaannada ay adag tahay in la gaaro.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, xoojinta wada shaqeynta dalalka deriska ah iyo taageerada joogtada ah ee bahwadaagta caafimaadka, si loo xaqiijiyo mustaqbal ka xor ah cudurka Polio iyo in la ilaaliyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r