Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo lagu soo dhoweeyay London

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo safar shaqo ku jooga qaaradda Yurub ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada London ee dalka UK, isagoo halkaas kula kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya iyo Jaaliyadda oo xaaladda dalka uu warbixin ka siiyey.

Madaxweyne Cali Ciid ayaa intii uu booqashada ku guda jiray wuxuu xarigga ka jaray xafiis ay sameysatay Jaaliyadda, tallaabadaas oo muhiim u ah xiriirka jaaliyadda iyo maamulka, isagoo bulshadii uu la kulmay ku dhiirigeliyey iskaashiga dhexdooda ah iyo garab istaagooda dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r