Press "Enter" to skip to content

Hantidhowraha Guud oo Nairobi ka furay shirka 4aad ee guddiga hagidda Mashruuca EU SFA TA

Nairobi (SONNA): Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka daah-furay Shirkii 4aad ee Guddiga Hagidda Mashruuca EU SFA TA.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday natiijo wanaagsan oo ku aaddan in la sii wado dadaallada lagu xoojinayo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka, iyo hufnaanta maamulka maaliyadda guud ee Soomaaliyata isla-xisaabtanka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Shirka ayaa si guud loogu falanqeeyey horumarka mashruuca, caqabadaha jira, iyo meelaha u baahan in la sii xoojiyo. Waxaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha Hantidhowrka Guud ee dalka iyo bahwadaagta taageerta hufnaanta maamulka maaliyadda guud.

Hantidhowraha Guud ayaa bogaadiyey taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan dhismaha awoodda hay’adaha Hantidhowrka Guud. Waxa uu tilmaamay in wada-shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay muhiim u tahay dhismaha hannaan baariseed oo xirfad ku dhisan, madax-bannaan, kana qayb qaata ilaalinta kheyraadka guud.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r