Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka XDS oo guddoomiyey shir amni oo Baydhabo ka dhacay

Baydhabo (SONNA): Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shir-guddoomiyay shir amni oo muhiim ah oo ka qabsoomay caasimadda kumeel gaarka ah ee magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howlgala magaalada Baydhabo, waxaana si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda amni ee magaalada, caqabadaha jira, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada magaalada.

Intii uu socday kulanka, Taliyaha ayaa faray saraakiisha in la dardargaliyo dadaallada lagu sugayo amniga, lana xoojiyo isku dubbaridka howlgalada si looga hortago khataraha amni ee jira.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r