Press "Enter" to skip to content

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Muqdisho, Talaado, 12 Maajo 2026: — Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan Qasim, ayaa kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King oo ay ka wada hadleen mudnaanta arrimaha xuquuqda aadanaha, horumarinta hay’adda, iyo taageerada marxaladda dhismaha ee Guddiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada isla-xisaabtanka, ilaalinta qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee nugul, xorriyadda hadalka iyo aragtida, iyo taageeridda dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka si loo dhawro, loona horumariyo xuquuqda aadanaha si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ee Paris.

 

Dr Maryam Qasim ayaa soo dhaweysay wadashaqeynta iyo doorka UK ee ku aaddan xoojinta arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, oo ay ku jirto taageerada lagu adkeynayo sarreynta sharciga, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r