Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Injineer Waleed bin Abdulkarim Al-Khereiji, si ay uga wada hadlaan xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka, amniga badda, saamaynta ay carqaladaha ka jira marin-biyoodka  Hormuz ku leeyihiin dalalka nugul ee ku tiirsan ganacsiga, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada la dagaallanka argagixisada, ganacsiga, iyo iskaashiga dhaqaale.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r