Press "Enter" to skip to content

Madaxweynaha JFS oo gaaray Uganda

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda, halkaas oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkaasi, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Qasriga Madaxtooyada kula kulmay dhiggiisa Uganda, iyagoo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka, iskaashiga amniga labada dal, waxaana Madaxweynuhu ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r